7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Sheekh Aadan Siiro oo Magaalada Hargaysa lagu aasay
 

Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), oo 13 bishan xanuunka macaanka ugu geeriyooday dalka Hindiya, ayaa maanta duhurkii lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kamid ahaa kumanaan qof oo kasoo qayb galay jinaasada sheekha, ayaa sheekha ku sifeeyay in uu ahaa samafale wayn, iyo ruux ku ad adag qadiyada qaranimada Somaliland.

"Waxa laysku raacsanyahay in uu ahaa samafale wayn, waxa uu ahaa ninkii xabaalahan maanta lagu aasayo asaaskooda lahaa iyo qaar ka horeeyayba, waxa laysku raacsanyahay in uu aad dadka jilicsan ugu dadaali jiray, waxa kale oo laysku raacsanyahay in uu ahaa sheekh aad u daafaca qaranimada Somaliland" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isna sheegay in uu sheekhu ahaa dadka ugu waxtarka badan umada, sidaa darteedna uu Alle naxariis uga rajaynayo.

"Rasuulku wuxuu yidhi dadka waxa ugu khayr badan kuwa ugu anfaca badan dadkooda, kuwaa in uu foollaad kooda noqdo ayaynu Illahay uga rajaynaynaa, waxaynu ka tacsiyadaynaynaa shacabka Somaliland, shucuubta Soomaalida oo cilmigiisa dhagaysan jirtay iyo qoyskiisii" ayuu yidhi guddoomiye Khaliif.

Dhamaan kumanaanka qof ee kasoo qaybgalay aaska sheekha, ayaa ka markhaati kacay in Sheekh Aadan uu ahaa samafale la tabi doono iyo shakhsi kumanaan masaakiin ahi ay gacantiisa ku noolaayeen

Maydka sheekha ayaa maanta duhur ku dhawaadkii laga soo dajiyay madaarka caalamiga ee Cigaal ee magaalada Hargaysa, iyada oo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]