7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya
 

Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay dowladdiisu siiso Soomaaliya.

Sannadkii hore, Maraykanka ayaa malaayiin dollar ku bixiyay gargaar bini'aadantinimo ee Soomaaliya.