7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Aqoonyahan Faarax Diiriye Warsame oo iskusoo sharraxay guddoomiyaha degmada Cadaado


Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Faarax Diiriye Warsame oo ah musharrax u taagan doorashada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa taageero ka helay bulshada magaalada Cadaado, isagoo u ballanqaaday inuu aqoontiisa ugu adeeggidoono haddii la doorto.

Doorashada guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa dhicidoonta soddonka bishan July, waxaana Faarax Diiriye Warsame uu kamid yahay dadka ugu cadcad doorashadaas.

Kulan lagu taageerayay oo magaalada Cadaado ka dhacay, ayay dadkii kasoo qeyb galeen ku tilmaameen inuu yahay, shakhsi aqoonyahan ah oo fure u noqon kara horumarka Cadaado.

Musharrax Faarax Diiriye wuxuu sheegay inuu dhisidoono garsoor caddaalad ah oo lagu sixidoono waxa ka qaldan amniga. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday inuu midayndoono guurtida dhaqanka.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada si gaar ah ahmiyad u siindoono, korna uqaadidoono horumarinta tababarada maamulayaasha iyo macalimiinta degmada Cadaado.

Faarax Diiriye iyo Jibriil Jimcaale oo ah labada musharrax ee u taagan xilkan, ayaa lagu wadaa inay ku tartamaan doorashada Cadaado.