7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Madaxweynaha Jabuuti oo madaxweynaha Soomaaliya gudoonsiiyay billad sharafta ugu sarreysa dalkaas
 

Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay madaxweynaha Soomaaliya guddoonsiiyay billad sharaf lagu tilmaamay midda ugu sarreysa ee ay bixiso Jabuuti.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu ammaanay ama ku mutaystay billadan  kaalintiisa xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay billow u tahay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog- warramo xaaladda iyo duruufaha Soomaaliya.

Socdaalka Jabuuti kadib, waxaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu u safro dalka Itoobiya.