7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Madixii hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka ee Gobolka Mudug oo la dilay
 

Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cilmi Cali Guuleed, ayaa xalay u geeriyooday  dhaawac ay ugasyteen koox hubaysan.

Marxuumka ayaa habeen hore madaxa laga toogtay xilli uu kasoo baxayay masjid kuyaala waqooyiga Gaalkacyo oo uu salaadii cishaha kusoo tukaday, sida ay goob joogaal sheegeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilkiis.

Waxaa la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen rag ku hubaysan bistoolado oo aan haybtooda la garanayn, kuwaas oo marka ay falka geysteen goobta isaga baxsaday.

Dilkiisa ayaa kusoo beegsaday labo maalin kadib markii ay xabsiga ka baxsadeen saddex dhallinyaro ah oo katirsan Alshabab, oo dil ku xukumnaa, kana tirsanaa kooxda Alshabaab.