4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2022
R/Wasaare Xamse: Dalkaan waxba lagama qaban-karo haddii aanan Shabaab laga xureyn

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya u sheegay in Shabaab ay yihiin dhibaatada ugu weyn ee dalkaan hor-taagan.

R/Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda ay leedahay in dalkaan uusan horumar ku tallaabsan karin inta dhibaata shabaab taagan tahay.


Wuxuu sidoo kale u sheegay Raysal wasaaraha Soomaaliya Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha in ahmiyada ugu weyn ay tahay sidii looga shaqeyn lahaa in dalka laga xoreeyo  Al-shabaab.
 
"Dalka waxaa ka jirta xaalad abaar oo aad u daran mana jirto meel wax la gaarsiin karo. Waddo kasta waxaa taagan al-Shabaab. Suura-gal ma aha in diyaarad loo isticmaala xaaladda abaar ee maanta ka taagan dalka. Meelaha qaarkoo xataa dayaarad ma tagi-karto oo ma laha garoon dayaaradeed, marka waxaa waajib inaga saaran inaan dadkaasi gurnad gaarsiino oo aan Al-shabaab ka xoreyno" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaaraha cusub ayaa tan iyo magacaabistiisi kadib ka waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha adag ee horyaala. Kulanka uu maanta la yeeshay agaasimayaasha guud  ayaa u muuqda in dowladda madaxeyen Xasan Sheikh Maxamuud ay u diyaar-garoobeyso dagaal ka dhan al-Shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online