4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Wadahadalada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Somaliland oo si rasmi ah loo gudo galay
 

Arbaco, Luulyo, 13, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in maanta si rasmi ah loo gudo galay wadahadalada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, isla markaana horumar laga sameeyay.

Warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankii maanta mucaaradka iyo muxaafadku ka yeesheen khilaafka doorashooyinka Somaliland, ay labada dhinacba si rasmi ah usoo bandhigeen doodahooda, isla markaana laysku soo dhawaaday.

"Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo Khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID Waddani iyo Kulmiye" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Xisbiga UCID ayaa dhankiisa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka caga jiidayo in wadahadalada laga gaadho is afgarad buuxa, iyaga oo dhanka kalena rajo wanaagsan ka muujiyay in wahadaladu guul kusoo dhamaadaan.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa kalsooni buuxda u siiyay guddida dhexdhexaadinta, waxayna sheegeen in ay ku qancayaan wixii kasoo baxa wadahadalka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]