4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
UK oo sheegtay inaysan qaadidoonin tallaabo ka dhan ah jinsiyada MO Farah
 

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Orodyahanka Mo Farah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Uk aysan wax tallaabo ah ka qaadidoonin isaga, ka dib markii uu shaaca ka qaaday in tahriib lagu geeyay dalkaas xilligii carruurnimadiisii.

Xiddigga afarta jeer ku guulaystay Olombikada adduunka ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Ingiriiska ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa ahaa magaca ay u bixiyeen dadkii sida sharci darada ah ku soo galiyay UK.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa sheegtay in aysan baari doonin Sir Mo Farah.

"Kani waa dalkaygii. Haddii aysan ahaan lahayn [macallimka PE-ga] Alan iyo dadka i taageerayay carruurnimadaydii oo dhan, markaas waxaa laga yaabaa inaan xitaa dhiirranaan u yeelan lahayn inaan tan sameeyo,” ayuu yiri Mo Farah.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda UK ayaa sheegay in aysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin dhalashada Sir Mo Farah, maadaama carruurnimadiisii lagu sameeyay magac beddelka.

Sharci ahaan, UK waxay qofka kala noqon kartaa dhalashadiisa haddii lagu helay khiyaano.