4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Madaxweynayaashii hore ee Puntland oo ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka masuuliyadda dhacdadii Bosaso

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ku eedeeyay inay masuul ka tahay dhacdadii ka dhacday magaalada Bosaso.

Waxay sheegeen guddoomiye ku xigeenku inay qaadayso masuuliyadda khasaarihii ka dhashay iska hor imaadkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 16 qof oo askar u badan.

Faroole, Cabdiweli Gaas, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad  iyo siyaasiyiin kale oo xilal kasoo qabtay Puntland, ayaa sheegay, in guddoomiye ku xigeenku ay baalmartay nidaamka dowliga ahaa markii ay u safraysay magaalada Bosaso.