4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Kulamadii xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland oo dib u bilowday
 

Talaado, Luulyo, 12, 2022 (HOL) - Kadib fasixii Ciidal-odaxada waxaa dib u furmay wadahadaladii lagu xalinayay khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeyay xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, kulanka maanta war rasmi ahi kama soo bixin.

Wadahadaladan oo ay dhexdhexaadinayso guddi iskugu jirta, golaha guurtida iyo wax garad kale, ayaa maanta markale fooda laysku daray qasriga madaxtooyada, kulanka maanta lama oga hadii wax uun laga heshiiyay, waxaana markale loo balamay in kulamadu sii socdaa maalinta berri ah.

Xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, ayaa isku khilaafsan, ta hor dhacaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada siyaasada, madaxweynaha ayaa raba in doorashada urruradu soo horayso, halka axsaabta muraadkuna ay aaminsanyihiin in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

Hadaba gabi aahaanba wadahadaladii hore u dhex maray labada dhinac ayaa fashil kusoo dhamaaday, iyadoo imika ay labada dhinac guddida dhexdhexaadintu ku kala dhexjirto, oo ay golaha wadahadalka wax ka fadhido.

Dhamaan dhinacyada ayaa kalsooni siiyay guddida dhexdhexaadinta, waxayna balan qaadeen in ay u hogaansami doonaan go'aan kasta oo kasoo baxa guddida.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]