4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay labo wasiir oo lala xiriirinayo dhacdadii Bosaso
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash, ahna ku simaha madaxweynaha, ayaa shaqo joojin ku sameeyey labo wasiir oo kala ah, wasiirka duulista iyo garoomada iyo sidoo kale wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda.

Labadan wasiir ayaa sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka, waxaa shaqada looga joojiyay fulin la’aanta waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in shaqada looga joojiyay, fulin la'aanta amar madaxweyne ku xigeenka kasoo baxay, oo ahaa in aan la hor- istaagin guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo shalay laga celiyay Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa horey xilalkii uga qaaday saddex wasiir oo kala ah arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga. Laakiin, xilka ka qaadistooda midna ma dhaqan galin.

Tallabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka ayaa muujinaysa inuu weli taagan yahay, khilaafkii isaga iyo madaxweyne Deni. Iyadoo ay usii dheer tahay, barlamaanka Puntland oo markaan u muuqda mid galka seefta kala baxay.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa soo gaabiyay socdal ugu ku joogay dalka dibaddiisa, isagoo berrito kusoo laabanaya Garowe si uu u wajaho xalka arimaha ka taagan Puntland.