4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Mo Farah oo shaaca ka qaaday in isaga oo carruur ah loo tahriibiyay UK
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Xiddiga caanka ku ah tartamada Orodada, ee la yiraahdo Mo Farah, ayaa shaaca ka qaaday in isagoo carruur ah si sharci darro ah lagu keenay dalka Ingiriiska, laguna qasbay inuu ka shaqeeyo guri.

Xiddiggan oo laga sameeyay barnaamij ka hadlaya noloshiisii hore, ayaa sheegay in haweeney uusan garanayn oo kasoo qaadatay dalka Jabuti ay u bixisay magaca Maxamed Faarax.

Magaciisa dhabta ahaa waxa uu ku sheegay Xuseen Cabdi Kaahin. Waxa uu sheegay in waalidkiisa aanay waligood tagin UK – hooyadiis iyo laba walaalihiisna ay ku nool yihiin beer qoyskooda leeyihiin oo ku taal Somaliland.

Haweeneyda u qaaday Mo Farah Yurub waxa uu sheegay in ay wadatay waraaqo socdaal oo been abuur ah oo muujinaya sawirkiisa oo ku ag yaal magaca Maxamed Faarax.

Mo Faarax waxa uu sheegay in lagu qasbay in uu qabto shaqada guriga iyo daryeelka carruurta, taasoo sharuud looga dhigay haddii mar kale doonayo inuu la kulmo qoyskiisa.

Waxa u sheegay muddo kadib inuu kaga badbaaday adoonsiga uu ku jiray, inuu noqdo orod yahan, taasoo ka caawisay inuu markii dambe caan noqdo.

Mo Faarax waxa uu sheegay in uu doonayo in sheekadiisa ay noqoto mid ka hor tago aragtida dadweynaha ee ka ganacsiga iyo addoonsiga