4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Isimada iyo xildhibaannada Puntland ku matala labada aqal oo cambaareeyay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Bosaso
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Xildhibaannada Puntland ku matala labada aqal  ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa cambaareeyay oo nasiib darro ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Xildhibaannada oo soo saaray warsaxaafaddeed ayaa waxay ku baaqeen in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.

Xildhibaannada waxay soo jeediyeen in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada dawladda Federalka iyo Puntland.

Waxay Puntland, ganacsatada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta ugu baaqeen in loo istaago u gargaaridda dadka abaartu cayraysay.

Shalay, shaqaaqo ka dhacday garoonka dyaaradaha Bosaso, waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 askari, kadib muran ka dhashay mucaawino ay magaalada Bosaso geysay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale. Isimada Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in carqaladayn lagu sameeyo islamarkaana dib loo celiyo gargaar loo waday dadka abaaruhu saameeyeen ee Puntland.

Isimadu waxay raali galin siiyeen guddoomiye ku xigeenka barlamaanka.