4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo ka hadashay safarkeedii shaqaaqadu ka dhalatay ee Bosaso
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa beenisay eedayn uga timid maamulka Puntland, taas oo ahayd, in maamulka uusan waxba kala socon safarkeedii magaalada Bosaso.

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha, ayaa sheegtay in maamulka gobolka Bari iyo odayaasha dhaqanka ay ku wargalisay inay tagayso Bosaso oo ay u siddo mucaawino 7 tan ah oo ay dowladda federalku ugu talo gashay shacabka ku nool gobolka Bari.

Sacdiyo Yaasiin waxay xustay iyadoo hawada ku jirta, in diyaarada ay la socotay lagu wargaliyay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho. Balse duuliyaha diyaarada ayay sheegtay inuu ku adkaystay in uusan haysan shidaal ku filan.

Waxay kaloo sheegtay in ay madaxweyne ku xigeenka Puntand, Axmed Karaash la xiriirtay, uuna amray in raashinka laga dejiyo diyaarada, islaamrkaana uu maamulka la wareego.

Is maandhaaf ka dhashay gargaarka ay sidday guddoomiye ku xigeenku waxaa uu sababay geerida 10 qof oo badi ahaa askar katirsanaa ciidamada Puntland, kuwaas oo qaarna ay difaacayeen imaatinkeeda, kuwana ay kasoo horjeedeen.