4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Eritrea ku booqday ciidamo Soomaaliyeed oo qaadanaya tababarka ciidanka badda


Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Kormeerkan oo ah maalintii labaad, ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka.

Madaxweynaha oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go'an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay ciidamadan inay ahmiyad weyn u leeyihiin dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda ka xoreynta dalka kooxaha mayalka adag.

Madaxweynuhu weli kama hadlin qoorta ciidamadan dalka dib loogusoo celinayo, xilli ay muddo saddex sanado ah dalkaas u joogeen tababaro ciidan oo heerkeedu sarreeyo.