4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Faahfaahin ku saabsan shaqaaqo garoonka diyaaradaha Bosaso ku dhexmartay ciidamada Puntland
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada badda Puntland iyo kuwa loo yaqaano PSF ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, iyadoo lasoo sheegayo khasaare  inuu jiro.

Iska hor imaadkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciiddanka PSF-tu isku dayeen inay si xoog ah garoonka uga soo dajiyaan mucaawino ay waday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu amray inay dib ugu laabato Muqdisho.

Diyaarada siday guddoomiye ku xigeenka iyo mucaawinada ayaa markii dambe si degdeg ugu laabatay magaalada Muqdisho, kadib markii amaanka garoonka uu faraha ka baxay. Inkastoo markii dambe xaaladda ay caadi kusoo laabatay, kadib markii isimadu xaaladda soo faragaliyeen.

Isimadda Punland ayaa gor dhow war kasoo saaridoona shaqaaqada magaalada Bosaso.