Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar ay faafiyeen warbaahinta Israaiil
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu sahminayo xiriir diblumaasiyadeed oo lala yeesho Israel.
Ilo-wareedka ayaa HOL u xaqiijiyay in uu been abuur yahay maqaalkii shalay lagu qoray wargeyska Times of Israel ee sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in uu baarlamaanka kala hadlo xiriirka suurtagalka ah ee Israel.
Ilo aad ah ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan leex leexad lahayn u beeniyay jiritaanka xiriir cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Jerusalem.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda diiradda saarayo sidii uu shacabka Soomaaliyeed u gaarsiin lahaa waxyaabaha mudnaanta u leh ee kala ah amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shalay, warbaahinta Israaiil oo soo xiganaysay diblumaasi Soomaaliyeed ayaa sheegtay, in dib ugu soo laabashada xukunka madaxweyne Xasan Sheikh, ay horumar wanaagsan u tahay xidhiidh cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Jerusalem.
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo ka hadashay safarkeedii shaqaaqadu ka dhalatay ee Bosaso
7/11/2022 3:53 PM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa beenisay eedayn uga timid maamulka Puntland, taas oo ahayd, in maamulka uusan waxba kala socon safarkeedii magaalada Bosaso.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Eritrea ku booqday ciidamo Soomaaliyeed oo qaadanaya tababarka ciidanka badda
7/11/2022 2:49 PM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amar ka dhan Mooto Bajaajyada habeenkii shaqeeya
7/11/2022 12:26 PM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa Maanta galinkii dambe ku dhawaaqay iney soo gabagabeeyeen wajigii koowaad ee howlgalka ay ugu magac dareen Samakaab oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka kula dagaalamayeen burcada hubeysan iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo amaro culus duldhigay askarta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
7/11/2022 11:22 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa amaro culus duldhigay askarta ciidanka xoogga dalka ee hubka ku dhex qaadata gudaha magaalada Muqdisho.
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka shaqaaqadii maanta ka dhacday garoonka diyaarada Bosaso
7/11/2022 9:46 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Punland ayaa ku eedeeysay dowladda federalka Soomaaliya inay diyaarad gargaar siday oo aan laga warqabin ka dejisay magaalada Bosaso.
Faahfaahin ku saabsan shaqaaqo garoonka diyaaradaha Bosaso ku dhexmartay ciidamada Puntland
7/11/2022 7:40 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada badda Puntland iyo kuwa loo yaqaano PSF ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, iyadoo lasoo sheegayo khasaare inuu jiro.
Puntland oo dib u celisay diyaarad siday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya
7/11/2022 5:30 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ka celiyay kusimaha maaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar.
Madaxweyne Mustafe cagjar " Maamulkii hore ee degaanku Warbaahinta wuu laaluushi jiray si loo qariyo xogta degaanka"
7/11/2022 2:06 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo ka hadlayay qiimaynta xafiisyada heer degaan oo maalmahan ka socotay Jigjiga, ayaa soo hadal qaaday arrinta Warbaahinta oo uu sheegay in maamulkii isaga ka horreeyay ay laaluush ku bixin jireen sidii loo qarin dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ka jiray degaanka Soomaalida
Madaxweyne Xasan Sheikh oo dowladda Ereteriya uga mahad celiyay tababarka ciidamada qaranka Soomaaliyeed
7/11/2022 1:44 AM EST
Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u joogay dalkaas.
Somali News
The Sir Mo Farah story just keeps on running
-
The Independent
7/11/2022 5:46 PM EST
The Olympic gold medal winner’s athletics heroics pale compared to the adversity he overcame to reach the track.
Puntland security forces clash after plane carrying humanitarian aid to Bosasso returned to capital
-
HOL
7/11/2022 10:33 AM EST
Bossaso (HOL) - Puntland authorities have turned back a plane carrying humanitarian aid for drought-affected people that landed at the Bossaso airport on Monday, citing the delegation did not contact authorities to arrange to receive them.
Minneapolis official apologizes for comments about July 4 violence — but some aren't buying it
-
Star Tribune
7/11/2022 6:04 AM EST
Minneapolis City Council Member Michael Rainville is facing an avalanche of criticism after he blamed primarily Somali youth for a wave of violence on July 4 that included a shooting at a large gathering at Boom Island Park and others launching fireworks toward cars and buildings while driving on downtown streets.
Somali President visits Somali army brigade trained in Eritrea
-
HOL
7/11/2022 3:58 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud visited the Somali army brigade trained in Eritrea on Sunday.
A government soldier killed a police chief in Mogadishu
-
HOL
7/11/2022 3:54 AM EST
Mogadishu (HOL) - A government soldier shot dead a police chief in Mogadishu's Daynile district on Sunday.
More than a dozen FGM victims in Wirral seen by NHS services last year
-
Wirral Globe
7/11/2022 3:52 AM EST
MORE than a dozen victims of female genital mutilation were seen by NHS services in Wirral in the year to March, new figures show.
Photos: Muslims around the world celebrate Eid al-Adha
-
Al Jazeera
7/11/2022 3:48 AM EST
Muslims around the world are celebrating Eid al-Adha, a religious holiday which in Arabic means the “festival of the sacrifice”.
Thousands of children endure ‘horrific conditions’ in conflict zones: UN report
-
UN News
7/11/2022 3:21 AM EST
The annual UN report on Children and Armed Conflict (CAAC), released on Monday, details the devastating impact that various forms of conflict had on children around the world in 2021.
Ottawans celebrate Eid al-Adha with friendship, food
-
CBS NEWS
7/11/2022 3:06 AM EST
Ottawans have been gathering to celebrate Eid al-Adha in person this year — a welcome change after two years of COVID-19 restrictions.
Oxfam raises concern over possible food crisis in West Africa
-
Blueprint Newspapers
7/11/2022 2:55 AM EST
Oxfam Nigeria has raised concern over the possible food crisis across the sub-continent, calling for West African leaders to do more to facilitate non-violent, non-conflict dispute resolution.