4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Somaliland oo beenisay warar ay baahisay warbaahinta Israa'iil

Axad, Luulyo, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war uu wargayska The times of Israel ku sheegay in wafti ka socda Somaliland ka qayb galay shir lagaga hadlayay xidhiidhka Afrika iyo Israa'iil.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu beeniyay run nimada warkan oo uu Wargaysku nuqulkiisii soo baxay 9 July ku sheegay in Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ka qayb galay shirka oo ay soo qaban qaabisay safaarada Israa'iil ee Faransiiska bishii May.

"Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Wasaarada ayaa sheegtay in wasiir Caateeye uu xiliga wargaysku sheegay kamid ahaa guddidii qaban qaabada munaaasibada 18 May, isla markaana uu ku mashquulsanaa hirgalinta munaasibadaa.

"Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Wargayska The Times of Israel, oo faalo ka qoray xidhiidh ay suuragal tahay in waddamada Geeska Afrika la yeeshaan  Israa'iil, ayaa sheegay in Somaliland ka qayb gashay shir lagu falan qaynayay xidhiidhka Afrika iyo Israel bishii May, warkaasi oo Somaliland beenisay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]