4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Taliye ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Axad, Luulyo, 10, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya uu toogasho ku dilay taliyahii ciidanka Booliiska Waaxda Barwaaqo xaafada Gubta ee degmada Deyniile.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in taliyaha la dilay iyo askariga dilka geystay uu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo ugu dambeyn sababay in loo dilo taliyahii Waaxda barwaaqo oo magaciisa lagu soo koobay Calas, waxaana rasaasta lagu dilay marxuumka ku dhaawacmay askari kale.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka degmada Deyniile ay gacanta ku dhigeen askariga dilka u geystay taliyahii Waaxda Barwaaqo ee degmada deyniile xili uu doonayay inuu isaga baxsado goobta.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga degmada Deyniile oo ay uga hadlayaan dilkaas ka Maanta ka dhacay Waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online