4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Burcad ku labisneyd dharka ciidanka dowladda oo Xalay lagu qabtay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho
 

Axad, Luulyo, 10, 2022 (HOL) - Ciidamada amniga degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay Xalay ka sameeyeen gudaha degmadaasi kusoo qabqabtay koox burcad ah oo xiliyada habeenkii dhac ka geysan jirtay xaafadaha degmadaasi.

Ciidamada ayaa ragga burcada ah gacanta kusoo dhigay iyaga oo hubeysan qoryaha loo yaqaano Ak47 iyo Mindiyo, kuwaas oo ku labisana dharka ciidanka Militariga Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska maamulka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay howlgalkaan lagu soo qabtay ilaa 5 burcad ah oo dhibaateyn jiray dadka shacabka ee ku nool xaafadaha degmada Deyniile.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab-qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska maamulka degmada Deyniile.

Howlgalkaan Xalay ciidamada amniga Deyniile ay kusoo qabqabteen ragaan burcada ah ayaa imaanaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay isa soo tareysay cabashada kasoo yeereysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay ka muujinayaan dhibaatada ay kala kulmayeen burcada hubeysan ee dhaca u geysata.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online