4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Eritrea
 

Axad, Luulyo, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo afar maalmood ah, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Kulankoodii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ay yeesheen xalay fiidkii, labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka ee danaha labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa booqan doona qeybo kala duwan oo dalka Eritrea ah oo ay ku jirto halka ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee dalkaas tababarka u jooga.

Waxaa la xusuustaa in Eritrea iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi oo dhexmaray bishii Luulyo 2018.