4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2022
Faysal Cali Waraabe: 1 Luulyo reer Somaliland waa u maalin madow

Jimco, Luulyo, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa munaasibada 1-da Luulyo ku sifeeyay maalin madow.

Guddoomiyaha oo ugu horayntii u hambalyeeyay shacabka reer Soomaaliya ee u dabaaldagaya xuska sannadguurada 1-da Luulyo, ayaa dhanka kale ku sifeeyay mid madow, isaga oo uga jeeda in ay tahay maalintii Somaliland ku biirtay Soomaaliyadii Talyaaniga.

"Somaliland 1-da Luulyo waxay u tahay maalin madow iyo masiibo ka sii daran 1954kii markii Hawd iyo Reserve Area lagu wareejiyey dawladda Itoobiya" ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Xuska munaasibada 1 Luulyo oo sannadkasta looga dabaaldago Soomaaliya, ayaa ku beegan maalintii 62 sanno kahor Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray xoriyada heshay, iyadoo isla maalintaana la midowday Somaliland oo 26, June, 1960 xoriyadeeda heshay.

Reer Somaliland ayaa sheega in midowga labada dhinac looga gol lahaa in la helo jamhuuriyad ka kooban 5-ta Soomaaliyeed, riyadaasi oo dhicisawday kadib markii lagu guuldaraystay dagaalkii 1977 Itoobiya lala galay, iyo markii Jabuuti oo isla sannadka xoriyada heshay ay diiday in ay ku biirto Jamhuuriyadii Soomaalida.

Somaliland ayaa 30 sanno kadib ka noqotay midowgii ay la gashay Soomaaliyadii Talyaaniga, kadib 10 sanno oo jabhado hubaysani dagaal kula jireen dowladii kacaanka ee 1969 la wareegtay xukunka Jamhuuriyadii Soomaalida, dagaalka ayaa ka dhashay saluug ay shacabka Somaliland ka qabeen midowga.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]