4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho


Jimco, Luulyo, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sanad guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa Maanta ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehlinayeen madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada dalka, isagoona ugu baaqay shacabka in ay ilaashadaan qarannimadooda, islamarkaana ay xoojiyaan midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno" ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalka, waxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan doorkooda ku aadan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bini'aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, islamarkaana sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan caafimaad qab horumar, nabad iyo barwaaqo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online