4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2022
Madaxweyne laftagareen "Dalka waxa uu ku jira gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay"
 

Jimco, Luulyo, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo xalay ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldagaayay xuska sanad guuradii 62-aad ee kasoo wareegtay israacii midnimada gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Munaasabada xuska oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo uu madaxweynaha Koonfur Galbeed ka jeediyay khudbad dhinacya badan taabaneysay, isagoo si gaar ah u tilmaamay in dowladnimada Soomaaliya ay gashay marxalad adag, islamarkaana uu dalka ku jiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo abaabulay, hayeeshee muusan sheegin meelaha laga soo maleegay gumeysigaas.

Wuxuu intaasi ku daray madaxweyne Laftagareen in dhalinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana la nacsiiyay dalkooda, dowladooda iyo Calankooda ayna ka shaqeynayaan dhibaatooyin kala duwan.

"Halganka aan xoriyada ku helnay waxaa keenay 13 dhalinyaro ah kaliya, Maanta dhalinyarada Soomaaliyeed tiro ahaan waa boqolkiiba 70-tan, aqoonta dadka way korortay marka dhalinta maanta joogta waa kuwa lagu diray Hooyooyinkooda, Aabayaashooda, waana kuwa ka shaqeeya dhibaatooyin meelo kale laga soo maleegay" ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Hadalka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa imaanaya xili Xalay inta badan magaalooyinka dalka lagu qabtay munaasabado lagu xusaayay 1-da Luulyo, taasoo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online