4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta 1-da Luulyo


Jimco, Luulyo, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay xuska sanad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa si faahfaahsan uga hadlay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta halku dhigiisa ahaa Soomaali heshiis ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey dowladnimadda Soomaaliyeed tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

“Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in xornimada dalka loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-Juun ee sanadkii 1960-kii ay noqoto magaalada Hargaysa goobtii ugu horreysay oo xor ah oo laga taago calan Soomaaliyeed, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay Maalinta midnimada.

“26-ka Juun waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalinta ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay Labada qeybood ee Soomaaliyeed ee la qeybiyey ay sameeyeen Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladda ku bixineyso gurmadka loo sameynayo dadka abaaraha la dhibaateysan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online