4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Maamulka Galmudug iyo ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilaawday kadib markii ciidamada Booliiska degmada Guriceel ay xireen askar ka tirsan ciidanka Gorgor, waxaana mudadi uu dagaalkooda socday labada ciidan ay isku adeegaadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad Rayid ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux ayaa ku dhimatay dagaalka tiro kalana way ku dhaawacmeen waxaana ka mid ahaa dadka dagaalka ku dhintay gabar dhawaan ka qalin jibisay Jaamacad.

Xaalada degmada Gurciceel ayaa ah haatan mid degan, waxaana dagaalkan maanta dhexmaray ciidamada Booliiska iyo kuwa Gorgor uu noqonaya dagaalkii labaad ee labadaan ciidan ku dhexmara deegaanada maamulka Galmudug, iyagoo horay ugu dagaalamay todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay saraakiisha ciidamada maanta ku wada dagaalamay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online