4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Puntland oo heshiis nabadeed dhex dhigtay beelo walaalo ah oo colaad dhexmartay
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Puntland ayaa heshiis nabadeed dhex dhigtay beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay deegaanadda Saax-maygaag iyo Sange-jabiye ee dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Boocame.

Heshiiskaan nabadeed ayaa lagu gaaray shir shalay ka dhacay tuulada Hadh-wanaag ee gobolka Sool, halkaas oo ay isugu yimaadeen odayaasha labada beelood ee heshiiska la dhex dhigay.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa guddi 7 xubnood ka kooban u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka heshiiska nabadaynta ee xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.

Halkaan ka akhriso qodobada heshiiska :-

1 Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.
2. kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.
3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.
4. Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.
5. In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

Guddiga loo xil saaray dabagalka fulintq heshiiska:-

1. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye
2. Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin
3. Gen:- Axmed Taajir. Xubin
4. Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin
5. Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin
6. Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin
7. Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online