4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Musharax Cirro: "Muuse xabad kumuu iman ee doorasho ayuu ku yimid"

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ku yimid doorasho loona baahanyahay in uu doorasho ku tago marka uu xilka dhamaysto.

Waxa uu sheegay in uu madaxweynaha ugu baaqayo is badal ku yimaada sharciyad, sidaa darteedna loo baahanyahay in uu madaxweynuhu sharciga ku shaqeeyo "Waxaanu doonaynaa isbadal ku yimaada sharciyad, Muuse waxaanu leenahay waddanka sharciga kusoo dabaal".

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu doorasho ku yimiday isla markaana qaybo badan oo shacbiga Somaliland kamid ahi doorteen, imikana loo baahanyahay in uu turxaan la'aan xilka kaga tago ama uu tartamo.

"Muuse xabad inagumuu qabsan, waad doorateen dhamaan deegaankiinu, in badan oo shacabka Somaliland ka mid ahina way dooratay, isagana waxan leeyahay wakhtigaagu wuu dhamaanayaaye turxaan la'aan dalka kaga tag... ama tartan" ayuu yidhi Cirro.

Cirro oo u qudbanaynayay qaybo kamid ah dadwaynaha reer Burco, ayaa balan qaaday in uu sinaan iyo caddaalad Somaliland ku hogaamin doono hadii la doorto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]