4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Itoobiya: Siyaasiyiin horey ugu xirnaa xabsiyada Itoobiya oo caawa la siidaayay
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin caan ah oo uu kamid yahay Jawhar Maxamed ayaa dib xoriyadoodii u helay, kaddib markii ay muddo dheer ku jireen xabsi ku yaal Addis Ababa.

Ragga lala siidaayay Jawhar Maxamed ayaa waxaa kamid ah Baqale Gabre oo saaxiib dhaw la ahaa Jawhar Maxamed, isla markaana xilal sare kasoo maray mid kamid ah xisbiyada Oromada ee mucaaradka ah.

Jawhar Maxamed ayaa xirnaa muddo 2 sano ah, waxaana la xiray wakhtigii la dilay fanaankii Oromo ee Haachalu Hundeesaa, isagoo wakhtigaa lagu eedeeyay kicin bulsho, iyo inuu rabay in xoog lagula soo wareego maydka fanaanka, oo lagu aaso gobolkiisa.

Jawhar Maxamed ayaa lagu xasuustaa inuu intii uu xirnaa uu muddo dheer sameeyay cunto joojin, taas oo markii dambe halis galin gaartay caafimaadkiisa, waxa kaloo la sheegaa inay Maxkamaddu aysan wax xukun ah ku ridin intii uu xirnaa, maadaama loo waayay wax caddaymo ah.

Siidaynta Jawhar Maxamed iyo saaxiibadii ayaa kusoo hagaagtay xilli uu maanta Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed uu sheegay inay muhiim tahay in dib u heshiisiin la sameeyo oo la is cafiyo, isla markaana uu horey u sheegay inay dhaliilo waawayn ka jiraan dhanka qaybaha garsoorka iyo cadaaladda dalka Itoobiya.

Shacabka ree Itoobiya ayaa aad usoo dhaweeyay siidaynta Raggan, oo saamayn ku leh siyaasadda dalka Itoobiya, isla markaana xarigoodii hore uu imbadan khalkhal u galay amniga dalku, haatan siidayntoodani la filayo inay wax ka badasho xaaladda dalka Itoobiya.

Ragga kale ee lasiidaayay caawa ayaa waxaa kamid ah, Eksander Nega oo ahaa siyaasi wayn oo kamid ah xisbiga xagjirka ah ee Aben ee Axmaarada.

Maxaabiista lasiidaayay caawa ayay wada baxeen, marka laga reebo Jawhar Maxamed oo codsaday inuu caawa baryo xabsiga, sababo amnigiisa la xiriira.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]