7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay baaqa beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka Somaliland
 

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu soo dhawaynayo baaqa beesha caalamka ee ku aadan in la gudda galo diyaar garowga doorashooyinka qorshaysan in ay sannadkan Somaliland ka dhacaan.

“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland" ayuu yidhi guddoomiye Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aaminsanyihiin in la joogo wakhtigii loo diyaar garoobi lahaa doorashooyinka soo socda.

"Sida ku cad warqadda wadajirka ah ee Xisbiyada mucaaridku u direen Madaxweynaha 24kii January, 2022, waxa aannu aamminsannahay in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada madaxtooyada ee 13ka November, 2022 iyo doorashooyinka kale ee muddaysan"

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku adkaysanaya in doorashada madaxtooyada la qabto ka hor doorashooyinka xisbiyada siyaasada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]