7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Lix kursi oo kamid ah kuraasta aqalka hoose oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar
 

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta billaabay doorashada barlamaanka aqalka hoose, iyadoo la doortay kuraastii ugu horraysay oo lagu doortay magaalada Jowhar.

Yusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-033 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 69 -cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed xuseen sabriye uu heley 22-cod.

Maxamed Cumar Ceeymoy ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-005 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cumar Cali oo aan goobta doorashada ku sugnayn uu heley 13-cod.

Farxiyo Maxamuud Dhaqane ayaa ku guulaysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-052 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS kadib markii ay tanaasushay Murashaxii kale ee la tartamayay.

Dahabo Suusow Maxamuud iyadana waxay ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop088 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Xildhibaan Dahabo waxay kusoo baxday cod gacan taag ah. Cidnana lama tartamin.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo muddo 21 sano ah barlamaanka Soomaaliya katirsanayd, ayaa kamid noqotay xildhibaannada maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Xildhibaan Khadiijo oo kusoo baxday doorasho loo tanaasulay, waxay kursigan loo doortay soo haysay tan iyo sannadkii 2000, oo ah markii dib loo aas aasay barlamaanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeseey ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-098 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Xildhibaan Seeseey wuxuu kamid ahaa xildhibaannadii hore ee barlamaanka Soomaaliya, waxayna isku beel yihiin, oo ay saaxiib dhow siyaasada ku yihiin xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, oo la aamisan yahay in soo laabashadiisa ay qeyb weyn ka tahay.

Seeseey wuxuu kusoo baxay doorasho loo tanaasulay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online