7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Todobo qof oo ku dhimatay qarax lala eegtay gaari shacab ah oo marayay waqooyiga magaalada Mandheera
 

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Todobo qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 13 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii gaari bas oo ay la socdeen dad shacab ah lala eegtay qarax miino, isagoo marayay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sida uu sheegay taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-Bari Bunei Rono, waxaa falkaan loo  xiray hal qof oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka.

Dowladda Kenya ayaa baaraya ayaa ku tilmaamay weeraradii ugu dambeeyay inay ka danbeeyeen kooxda Al Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Booliiska Kenya waxay sheegeen in ay ku raad joogaan kooxihii weerarka soo qaaday, balse ma aysan sheegin in ay jiraan cid loo soo qabtay falkan.

Sida ay sheegeen Booliska, weerarka waxaa geystay koox looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmo ka hor safaaraddaha Shisheeye ay soo saareen digniino ku wajahan muwaadiniintooda ku sugan Kenya, iyagoo uga digay suuratagalnimada weeraro ay qorshaynayaan kooxda Al Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online