7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Puntland iyo shirkaddaha keena Gaaska cuntada oo kawada hadlaya in hoos loo dhigo qiimaha gaaska
 

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Puntland iyo shirkaddaha ka ganacsada gaaska cuntada lagu karsado ayuu haatan shir uga socdaa magaalada Garowe, kadib markii 24 saacadood ee ugu dambeeyay ay is qabsadeen cabashada dadweynuhu ka muujinayaan sare ukaca qiimaha Gaaska.

Gaaska cuntada lagu karsado ayaa bishii ugu dambeeyay gaaray $50 dollar, waxaana arrintaas ay keentay in baraha bulshada uu ka bilowdo kacdoon lagaga soo horjeedo sare u kaca Gaaska.

Dadweynaha ayaa dalbaday in Gaaska lagusoo celiyo qiimihiisii hore, oo ah $35 qiimahaaas oo ahaa mid meel dhexaad ah.

Dadweynaha ayaa billaabay in ay si toos ah u wacaan taleefoonada masuuliyiinta Puntland ee ku shaqada leh arrimahan, sida wasiirka ganacsiga iyo wasiirka maaliyadda.

Kadib markii maamulka Puntland uu meesha ka saaray canshuur dhaaf loo sameyn jiray shirkaddaha lasoo dega Gaaska, waxay taas keentay in shirkadduhu kordhiyaan qiimaha adeeggooda.

Sababta canshuur dhaafka loogu sameeyay waxay ahayd in shirkaduhu gaaska u jebiyaan dadweynaha, si uu u yaraado isticmaalka dhuxusha, oo qeyb ka ah xaalufka deegaanka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu soo baxo go’aan wax looga beddelayo qiimaha gaaska, iyadoo al filayo in maamulka Puntland uu dib usoo celiyo canshuur dhaafkii loo sameyn jiray shirkaddaha ka ganacsada Gaaska.

Puntland waa meelaha uu ugu qaalisan yahay Gaaska cuntada, marka loo eego gobolada kale ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online