7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay xubno cusub ee Golaha Wasiiradda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa lagu magacaabay Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayaa kala ah wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxudiin, wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdullaahi Cabdi Cumar iyo wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Aweys Xuseen Macalin.

Hoos ka akhriso Waeegtada kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online