7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Faysal Cali Waraabe "Madaxweynuhu dastuurka haduu ka talaabsado shakhsi ayuu noqonayaa"
 

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn guddida diwaangalinta ururrada siyaasada ee uu madaxweynaha Somaliland magacaabay 29 bisha.

Faysal oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in madaxweynuhu aanu guddida magacaabin wakhtigii saxda ahaa, isla markaana ay tahay in doorashada madaxtooyada la galo kahor inta aan laga howlgalin arrinta ururrada.

"Guddidan goorta uu magacaabayaa maaha wakhtigii ururrada la furayay oo xeerkeediiba ma samaysna oo doorashooyinkii madaxweynaha ayaa ka horeeya, markaa fikirkan oo dhan ayaa qalad ah...waa arrin khalad ah oo Somaliland lagu khal khal galinayo"ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in magacaabista guddida uu madaxweynuhu uga gol leeyahay in uu Somaliland khal khal galiyo, isagoo sheegay in ka xisbi ahaan ay talo ka yeelanayaan waxa laga yeelayo.

"Dalka in uu qaso ayuu doonayaa lakin waanu ka badnaaninayna, talo qaran ayaanu galaynaa, Somaliland wuxuu nin yeesho way ka wayntahay, waanu ka tashanaynaa" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in hadii uu madaxweynuhu sharciga ka leexdo uu xasaanada waayayo "Dastuurka ayaa noo dhexeeya, dastuurka iyo shuruucda dalka haduu ka talaabsado, shakhsi ayuu noqondoonaa".

Faysal ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in doorashada ururrada aan si madaxbannaan loo gali karin, iyadoo doorashada golaha deegaanka lagu lifaaqo mooyee.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]