7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Ra'iisul Wasaare Rooble oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Abu Dhabi

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda dalka Imaaraadka Carabta Cabdalla Suldaan Alniceymi.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha, ayaa lagu sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah, Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalka raysal wasaare Rooble ee uu ku tagay dalka Imaaraadka waxay dhalisay hadal hayn badan oo ku saabsan in raysal wasaaruhu dalkaas u tagay qorshe Imaaraadku ka leeyahay doorashada dalka ka socota.

Raysal wasaare Rooble oo  khilaaf uu  kala dhaxeeya  madaxweyne farmaajo wuxuu saaxiib dhow ka yeeshay Dubai, oo tan iyo sidii uu madaxweyne Farmaajo xukunka u qabtay uu meel xun gaaray cilaaqaadka labada dal.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay Imaaraadku inay Soomaaliya ku hayaan faro galin siyaasadeed oo lagu burburinayo madax bannaanida Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa usii xumaaday markii bishii abril  ee sannadkii 2018 dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabatay lacag ku dhow toban milyan oo dollar, oo la sheegay in Imaaraadka si sharci darro ah kusoo galiyay dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online