7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay inaan Qasnadda Dowladda laga bixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta
 

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Maxkamada maamulka gobolka Banaadir ayaa amartay guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo wasiirka Maaliyadda inaan laga bixin karin qasnada dowladda Soomaaliya lacagtii laga qabtay Imaaraadka Carabta.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay inaan laga bixin kain qasnada dowladda lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu sii sheegay in lacagtaasi ay ku socoto baaritaan, islamarkaana inta uu ka dhamaanayo baaritaankaasi oo ay go'aan cad kasoo saarayaan xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Hay'adda baarista.

Amarkaan kasoo baxay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa imaanaya, xili dhawaan uu Raysal wasaaraha Soomaaliya sheegay in dib loogu celinayo lacagtan laga qabtay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa sidoo kale uu amarkaan kusoo beegmaya xili goordhaw uu u safray Raysal wasaare Rooble dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maxkamadda Gobolka Banaadir.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online