7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Al-shabaab oo gubay tuulooyin ku yaala duuleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe
 

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya tuulooyinka Mareereey iyo Mukay dheere oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in labadaasi tuulo ay gubeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in qoysas aad u farabadan oo gaaraya ilaa laba kun oo qoys oo kasoo barakacay labadaasi tuulo ay soo gaareen degmada Balcad.

Tuulada Mareereey oo olaa 5 KM dhinaca Waqooyi Bari ka xigta degmada Balcad ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe dab abad siiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, halka tuulada Mukay dheere la gubay Jimcihii lasoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Balcad.

"Labada tuulo ee Mukay dheere iyo Mareereey oo ay gubeen shabaab qoysaskii kasoo barakacay oo xaalada nolol xumo haysato ayaa haatan ku sugan degmada Balcad, waxaana tuulooyinkaasi loo gubay dadka tuulada ku noola oo soo dhaweyn u sameyay ciidamada dowlada oo halkaasi ku tagay howlgalo kadibna isaga soo laabtay" ayuu yiri guddoomiye Qaasim Cali.

Guddoomiyaha degmada Balcad ayaa intaasi ku daray in Al-shabaab ay haatan ka faa'ideysanayaan dowladda oo ku mashquulsan howlaha doorashooyinka taasoo keenta iney kordhiyaan weerarada ay kusoo qaadayaan degmooyin ay ka mid tahay Balcad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online