7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay doorashada shan kursi oo aqalka hoose ah


Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta qabtay doorashada shan kamid ah kuraasta aqalka hoose ee lagasoo doorto Koonfur Galbeed.

Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) ayaa ku guuleystay kursiga  Hop-175 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod.

Maxamed Bare Maxamuud  ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-159 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 72-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu heley 23-cod.

Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-185 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 71-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod

Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-188 ee Xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod

Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-177 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu heley 16-cod.

Doorashada maanta ka dhacday koonfur galbeed ma ahayn mid ay loolan adag ay ku galeen musharraxiinta tartamayay. Saddex kamid ah xildhibaannada soo baxay waxay ahaayeen dhallinyaro.

Koonfur Galbeed illaa iyo hadda doorashada ka socota wax cabasho kamasoo yeerin. Halka maamulada kale ay cabanayaan musharraxiin sheegaya in kuraasta cid gaar ah loo xiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online