7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Raysal wasaare Rooble: Ma jirto musharrax gooni oo aan wato. Welwelka hala joojiyo
 

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada beelaha Banaadiriga la yeeshay kulan ku saabsan u diyaar garowga doorashada kuraasta Banaadiriga.

Raysal wasaare Rooble ayaa kulanka ka sheegay in aysan jirin wax musharrax ah oo isaga uu wato oo uu la doonayo in ay kusoo baxdo doorashada shanta kursi ee beelaha banaadiriga.

"Aniga shakhsi ma wati, waan idiin sheegayaa, kursina idin kama rabo, in la idin dulmiyana ma rabi. Waxaan  u sheegayaa dadka Banaadriga gudo iyo dibadba inay welwelka iska joojiyaan. Waan dadaalaynaa," ayuu yiri raysal waaaaruhu.

Raysal wasaaraha ayaa u sheegay beelaha banaadiriga in aanay ka welwelin in wax faro galin ah lagu sameeyo doorashada kuraastooda.

Wuxuu raysal wasaaruhu sheegay in guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo ku xigeenkiisa uu u xilsaaray in ay xalliyaan cabasho kasta oo ka timaada doorashadooda beelaha banaadiriga.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online