7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 30, 2022
Hoggaamiyaha TPLF oo sheegay in wada hadal aan toos ahayn uu u socdo iyaga iyo dowladda Itoobiya

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Michael oo waraysi siiyay BBCda ayaa sheegay in ay iyaga iyo dowladda Itoobiya uu u socdo wada hadal dadban, oo waxtar leh.

Debretsion ayaa sidoo kale sheegay inay rabaan in colaadda ka jirta gobolka Tigray lagu dhameeyo xal nabadeed, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii loo baahdo ay kooxdoodu sii wadayaan dagaalka, si loo ilaaliyo xuquuqda shacabka Tigray, waa siduu hadalka u dhigay Hoggaamiyaha TPLF.

Dowladda Itoobiya inkastoo ay siidaysay maxaabiis badan oo kamid ahaa TPLF, isla markaana ay qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee si guud dalka loogu soo rogay, haddana ma jirto war rasmi ah oo dhanka dowladda kasoo baxay, oo ku saabsan arrinta wada hadalka.

Lama oga sida ay isku qaabilayso, iyadoo maalmo ka hor hoggaaminta u sarreysa dalka Itoobiya ay ka arrinsanayeen jihada cusub ee lagula dagaallami lahaa TPLF, sidoo kalena saraakiisha u sarreysa dowladduna ay dhankooda sheegeen inaan marna gorgortan lala galayn kooxda TPLF.

Arrimahan oo dhami waxay kusoo hagaagayaan xilli dalku uu si guud uga socdo, diyaar garawga wadatashi heer qaran ah oo uu horey ugu dhawaaqay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gobolka Tigray, inkastoo dagaalku uu markii dambe ku fiday degaannada deriska la ah Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, walina uu kasii socdo dhinaca Canfarta oo ay ku dagaallamayaan TPLF iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]