7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo weerar afka ah ku qaaday Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baledweyne ayaa si kulul uga jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee ahaa in ciidamada la geeyay Baledweyne lagu boobayo doorashada iyo go'aankii Xukuumadda Soomaaliya soo saartay ee ahaa in dib looga soo saaro magaalada Baledweyne ciidamada la geeyay.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in ciidamada la geeyay Baledweyne ay yihiin ciidamo qaran, islamarkaana sababta oo loo geeyay ay tahay iney la dagaalamaan Al-shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan ee kala xiray wadooyinka degmooyinka gobolka Hiiraan.

"Siyaasiyinta ka hadlay arimaha ciidanka dhib badan ma lahan oo marka xiligaan la gaaro waan ku aqaanaa in damacu uu dhinacba mar u qaado" ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in hadii doorashada ka dhici weyso magaalada Baledweyne uu masuuliyeeda qaadanayo raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

"Dadka reer Hiiraan waxaan u cadeynaya oo aan u sheegayaa hadii doorashadu aay ka wareegato magaalada Beledweyne inuu masuuliyadeed leedahay Raysal wasaaraha oo si gaar ah masuuliyada uga saaran tahay arrimaha doorashooyinka" ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxuu intaasi ku daray Cali jeyte in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kasoo jeedaa maamulka Galmudug oo ay maalin kasto dowladda ay geyso ciidamo oo uusan ka hadlin raysal wasaaraha.

"Waxaa layaab leh oo wax laga naxa ah in Raysal wasarihii dalka uu shiriyo wasiirada islamarkaana uu ku dhawaaqo in lasoo celiyo ciidanka Beledweyne la geeyay waliba ayadoo aay nagu hareereysan yihiin Al-shabaab, Ciidankaan muxuu uga badalan yahay kuwa jooga Maamulada Koofur Galbed, Jubbaland iyo Galmudug. Waxaan is weeydiinayaa Al-shabaabka laga difaacaa Guriceel oo larabo inaay qabsadaan Baledweyne ma fahmin waxa aay ka micno tahay" ayuu yiri guddoomiyaha Hiiraan Cali jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay dalbatay in dib looga soo saaro magaalada Baledweyne ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo buuq siyaasadeed badan dhaliyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online