7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Maraykanka
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Larry André.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire André ayaa wasiirka arrimaha dibadda usoo bandhigay dadaalka ay dowladda Maraykanka ku bixin doonto adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka  u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Bishii December golaha guurtida Maraykanka ayaa ansixiyay Larry Edward Andre Jr. inuu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online