7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddida diwaangalinta ururrada siyaasada
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todoba xubnood u magacaabay in ay noqdaan guddida diwaangalinta iyo ansixinta urrurada siyaasada Somaliland, oo la filayo in doorashadoodu dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Guddida ayaa diwaangalinta ururrada siyaasada bilaabi doonta badhtamaha sannadkan, iyagoo isla markaana ansixindoona ururrada buuxiya shuruudaha laga rabo ururrada doorashada galaya.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo dhamaystiran:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]