7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Dowladda Kenya oo si weyn u adkaysay ammaanka dalkeeda, iyadoo ka cabsi qabta weeraro argigixiso
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa aad u adkeysay amaanka dalkeeda kadib markii dalal badan oo Yurub ka tirsan ay ka digeen weeraro argigixiso oo laga cabsi in ay ka dhacaan dalkaas.

Afhayeenka Booliiska dalka Kenya, Bruno Shioso ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in ammaanka Kenyaanka si weyn loo adkeynayo guud ahaan dalkaas.

"Waxaan ku boorinaynaa dadka Kenyanka ah inay is dajiyaan oo ay booliiska la wadaagaan xog walba oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo,” ayuu yiri Bruno Shioso.

Safaaradda Faransiiska ee Kenya ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatarta ka dhalan karta weerarro maalmaha soo socda dalkaas ka dhaci kara, iyadoo ku talisay in laga fogaado meelaha ay ku badan yihiin dadka ajnabiga ah.

Safaaradda Jarmalka ayaa sidoo kale soo saartay digniin la mid ah tan Faransiiska. Safaaradda Holland ayaa sidoo kale sheegtay in ay si dhab ah u qaadanayso digniinta Faransiiska.

Dowladda Kenya ayaa waxay si gaar ah u adkaysay ammaanka xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Nairobi.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online