7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Maamulka Degmada Kaaraan oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax Maanta lala beegsaday Taliyaha Booliiska degmada Kaaraan
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka bixiyay qarax barqaninadii Maanta lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyaha Saldhiga Booliiska degmada Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale, xili ay marayeen xaafada Jamhuuriya agagaarka Masaajidka Turkiga.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Taliyaha degmada uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana uu haleelay gaariga uu saarnaa taliyaha degmada.

Guddoomiye Abshir Kaaraan ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen hal qof oo shacab ah iyo 4 askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha oo saarna gaariga uu qabsaday qaraxa miinada, islamarkaana uu ka badbaaday qaraxaasi taliyaha Saldhiga degmada Salaad Caraale.

Waxuu intaasi ku daray in haatan ciidanada degmada ay wataan baaritaano la xariira cida ka dambeysay qaraxa, walow uusan sheegin cid loo soo qabtay qaraxaan Maanta lala beegaaday taliyahii Booliiska degmada Kaaraan.

Qaraxyada noocaan ah ayaa inta badan lala beegsada masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana horay qaraxyo noocaan oo kale ah loogu dilay madax ka tirsaneyd maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online