7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Jenaraal Xuud oo ka hadlay kulamadii dhexmaray isaga iyo Farmaajo iyo Mowqifkiisa ku aadan ciidankii la geeyay magaalada Baledweyne
 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Shir jaraa'id oo uu goordhaw Warbaahinta ugu qabtay gudaha magaalada Muqdisho Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, wadahalada u dhaxeeya isaga iyo dowladda Fedaraalka.

Jenaraal Xuud ayaa sheegay in wadahadaladii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iney wali socdaan, islamarkaana ay gaareen heshiis ku aadan in xal waara laga gaaro tabashada reer Hiiraan, dhameystir keedana uu dhiman yahay.

“Waxaan nimid xamar waxaana u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaya Ummadda reer Hiiraan, Farmaajo waan is aragnay kulamadeena waxay ahayeen kuwa xal waara loogu raadinaanay tabashada reer Hiiraan iyo in Soomaalinimo an u tanaasulno waana isla qaadanay" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Isagoo ka hadlaayay mowqiifkiisa ku aadan arinta Kacdoonka Hiiraan ayuu sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifkiisa ahaa Kacdoonka iyo raadinta xaquuqda ka maqan shacabka Reer Hiiraan.

“Anaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa nala yiraah daa kama tanaasulin arrintii aan u istaagnay ee aheyd raadinta xaqa Hiiraan ka maqan, nin walbo hadaba dhagahaaga ku heyso anaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay in nala iibsado, Lacag wax ay tarto malaha karaamaa ayaa wax tarta” ayuu yiri  Jenaraal Abuukar Xuud.

Hoggaamiye Abuukar Xuud oo sidoo kale ka hadlaayay ciidamada dhawaan dowlada geysay Baledweyne ee siyaasiyiinta reer Hiiraan walaaca ka muujiyeen ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadaasi ay yihii  ciidamo Soomaaliyeed, hadii Soomaalinimo ay u shaqeyn waayaana in dib looga soo saari doono Baledweyne.

“Ciidankaas Baledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa haddii Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii Soomaaliyeed" ayuu yiri Abuukar Xuud.

Hadalkaan kasoo yeeray Jenaraal Abuukar Xuud ayaa imaanaya xili ciidamada Baledweyne la geeyay siyaasiyiinta reer Hiiraan ku tilmaameen kuwa loo adeegsan rabo boobista kuraasta Golaha Shacabka ee Baledweyne taala.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online