7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 29, 2022
Maxamed Cabdi Waare "Dowladda Turkiga oo ciidanka Baledweyne la geeyay tababartay dacwad rasmi ah ayaan u gudbineynaa"

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlaayay ciidamada Gorgor iyo Haramcad oo ay dhawaan geysay magaalada Baledweyne dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegay iney dacwad ka gudbinayaan ciidamadaasi.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah ciidamada la geeyay Baledweyne ay u gudbinayaan dowladda Turkiga oo ah dowladda soo tababartay ciidamadaan oo uu tilmaamay iney ka qeyb qaateen dagaalo ka duwan ujeedkii dowladda Turkiga usoo tababartay.

"Dowladda Turkiga oo ciidanka Baledweyne la geeyay tababartay dacwad rasmi ah ayaan u gudbineynaa, waxa aan ka dalbaneynaa in ay dib u qiimeyn ku sameyso siyaasada amniga Soomaaliya, ma waxa aad ciidan noogu tababartaan ciidan aysan ogeyn meesha la geynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Raysal Wasaaraha" ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waxuu intaasi ku daray madaxweynahii hore ee Hirshabeelle in laga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dhawaan Madaxtooyada Soomaaliya geysay magaalada Baledweyne, kuwaas oo walaac xoogan ka muujiyeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Waare ayaa sidoo kale ka dalbaday Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iney u istaagaan ka hortaga qatarta ka dhalan karta isku dhac ka yimaada xiisada ka taagan Baledweyne iyo ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo uu sheegay in madaxwegne Farmaajo uu geeyay Baledweyne.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynahii labaad ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaanaya xili dowladda dhawaan geysay ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gorgor, kuwaas oo lagu tilmaamay in Baledweyne loo geeyay boobka 25 kursi oo doorashadooda taalo Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhankeeda ineysan ka warqabin ciidanka la geeyay Baledweyne, islamarkaana ay amartay in dib looga soo saaro magaalada Baledweyne, waxaana arrintaasi ku gacan seyray maamulka Hirshabeelle oo sheegay iney ciidankaan dalbadeen oo ay doonayaan ciidamo intaan ka badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online