7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
6 qof oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa Garowe iyo Qardho
 

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday saddex kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray shil gaari oo maanta ka dhacay wadada laamiga ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Qardho.

Shilkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dad safar ah oo u badnaa hal qoys ah oo ka yimid magaalada Boosaaso.

Gaariga shilka galay ayaa u socday magaalada Qalaafe ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna ku rogmaday meel ku dhow tuulada Libaaxo oo 70 km dhinaca bari uga beegan magaalada Garowe.

Dadka shilka ku geeriyooday waxaa kamid ah labo carruur iyo qeyb kamid ah qoyskooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Puntland ee  tagay goobta shilka uu ka dhacay.

Puntland, waxay kamid tahay meelaha ay shilalku aadka ugu badan yihiin, waxaana saraakiisha amniga waddooyinku ay sheegeen in dadka shilalka ku dhinta ay ka badan yihiin dadka siyaabaha kale u geeriyooda.

Todobaad ka hor ayay sheegeen markii ay labo qof oo mid kamid ah uu yahay sarkaal katirsanaa madaxtooyada Puntland uu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online