7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
Dowladda Itoobiya oo Soomaaliya uga mahad celisay diidmadeeda baarista xadgudubyada waqooyiga Itoobiya ka dhacay
 

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Labada wasiir oo yeeshay kulan gaar ah ayaa waxay kawada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada dhinac iyo duruufaha ka jira Itoobiya.

Waxay si gaar ah uga hadleen hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta ah ka qayb qaadanayaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay sida ay ugu garab istaagtay Itoobiya shirkii looga hadlayay tacadiyada Itoobiya ee hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay qabatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhankiisa uga mahad-naqay Demeke, taageerada Itoobiya siiso Soomaaliya, wuxuuna ballan-qaaday in  dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto xidhiidhka ka dhexeeya labada dowladdood.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan kasoo horjeesatay  in baaris lagu sameeyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka oo lagu eedeeyay Itoobiya in ay ka geysatay gobolka waqooyi ee Tigreega.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online